Muqdisho (INO) – Xoghayaha arrimaha dibadda Dalka Mareykanka, John Kerry, ayaa saakay ku tagay magalada Muqdisho booqasho aan horay loo shaacin kadib markuu soo maray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Booqashada John Kerry ayaa aheyd mid aan hore loo shaacin, waxaana la xiray dariiqyada waaweyn ee Magaalada.
Hoggaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada dalka ayaa sidoo kale Saakay soo gaaray Muqdisho.
Halkan Ka Dhageyso RADIO IDALE
Qof ku sugan Garoonka Diyaaradaha ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in ay Hoggaamiyeyaashu isku mar yimaadeen Muqdisho, Shaqada Garoonka ayaan inteeda badan socon, waxaana loo hakiyey shaqada marka laga reebo Duulimaadyada oo la ogolyahay in ay soo degaan Sabab lagu sheegay Ammaanka oo la Adkeynayo.
Kerry ayaa noqonaya xoghayihii arrimaha dibadda Mareykanka ugu horeeyay oo booqda magalada Muqdisho.
Idale News Online – Muqdisho