Nairobi(INO)- Xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Mareykanka John Kerry oo booqasho ku maraya bariga Africa ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, iyagoo wada hadaladooda ku soo qaaday xaaladaha Qaxootiga Soomaalida ee mudada dheer kusugan gudaha dalka Kenya.
Mr, Kerry ayaa sheegay in ay dawladda USA ka xun tahay in Qaxootigan dib loogu celiyo Soomaaliya, si qasab ah wuxuuna tilmaamay in ay doonayaan in ay helaan xaquuqda Qaxootinimo e caalamka uaqoonsan yahay.
Xoghayaha arrimaha dibada ayaa tilmaamay in ay Kenya iyo dawladda Soomaaliya ka taageeri doonaan sidii si nabad ah oo aan qasab aheyn dadkan loogu celin lahaa Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in ay aqbalsan yihiin in dadkan ay helaan xaquuqda ay sida xaqa ugu leeyihiin nolol wanaagsan.
Intii uu socday kulankan Madaxweyne Kenyata ayaa aqbalay oo soo dhaweeyey in aan dadkaan si qasab ah loogu celin gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in ay ka dhawrayaan QM, Dawladda Soomaaliya iyo Deeq bixiyaasha in si nabad ah dadkaan loogu helo fursadaha ay ubaahan yihiin.
Halkan Ka Dhageyso Radio Idale
Idale News Online, Nairobi