Cadaado(NO)-Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna ay qorsheynayaan in ay shir kale ka dhinac furaan shirka Cadaado ee uu furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo aanan ku qanacsanayn guddigii farsamada ee ay aqoonsaday dowladda Soomaaliya ayaa hadda qorsheynaya in ay soo magacaabaan guddi farsamo kale, kaasi oo soo xuli doona ergooyinka ka qeybgelaya shirka ay furayaan.
Hayeeshee Guddoomiyaha Degmada Cadaado C/raxmaan C/llaahi Xuseen Tootoole oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka digay in degmada Cadaado laga furo shir kale oo aan ahayn shirkii uu furay madaxweynaha. “Cadaado lagama furi karo, lagamana ogola shir aanan ahayn midkii uu furay Madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo ay ku heshiiyeen qabiillada gobollada dhexe”ayuu yiri C/raxmaan C/llaahi Xuseen
Halkan Ka Dhageyso Radio Idale
Idale News Online, Cadaado