Muqdisho(INO)–Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa maanta amar adag waxa ay kusoo rogtay Warbaahinta Madaxa Banaan ee Soomaaliyeed gaar ahaan Warbaahinta ka howlgasha Magaalada Muqdisho .
Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Jen . Cabdi Raxmaan Tuur yare oo maanta ka hadlay Munaasabad lagu qabtay Hotelka Jaziira oo lagu xusayay maalinta Saxaafada Aduunka ayaa amar kusoo rogay Warbaahinta Madaxa Banaan.
Jen . Cabdi Raxmaan Tuur yare ayaa ku amray Warbaahinta ka howlgasha Magaalada Muqdisho in maanta waxii ka dambeeya aysan isticmaali Karin Magaca Xarakada Al-Shabaab taa badalkeedana Warbaahinta laga doonayo in ay Isticmaalaan Magaca UGUS.
Waxa uu tilmaamay in Warbaahinta aan qaadan amarkooda iticmaashana Magaca Al-Shabaab in ay u aqoonsan doonaan in ay kooxdaasi kamid yihiin, waxa uuna uga digay Warbaahinta Muqdisho isticmaalka Magaca Al-Shabaab.
Taliyaa Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa Xarakada Al-Shabaab ku tilmaamay Cudur ku dhaca Dhimirka, waxa uuna xusay in ay cudurkaasi talaalka ay u hayaan uu yahay in xabsi ku guraan waxii Shabaab ah sida uu hadalka u dhigay.
Warbaahinta Madaxa banaan ayaa culees hor leh oo soo wajahay ku tilmaamay amarkan cusub ee maanta kasoo baxay Hay’ada Nabad Sugida Qaranka, lamana oga sida uu u dhaqan gali doono amarkan kasoo baxay Nabada Sugida.
Idale News Online, Muqdisho