Muqdisho(INO) Gudoomiye ku xigeenka Gudiga arimaha dibadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya iney ka seexatay dhismaha xarunta baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Xarunta Baarlamaanka ee ay hada ku shaqeeyaan ay dhiseen xildhibaanadii baarlamaankii KMG ee ay hogaaminayeen SH Aadan Madoode iyo isaga,wuxuuna shaaca ka qaaday in ilaa xiligaa wixii ka danbeeyey aan la dayactirin Xarunta Baarlamaanka.
Mudane Maxamed Cumar Dalxa ayaa daboolka ka qaaday iney nasiib darro tahay in xarunta Baarlamaanka oo ku talla faras magaalaha caasimadda Muqdisho iney hadane noqoto dhismaha ugu foosha xun dhismayaasha ku yaalla agagaarka Waliyow Cadde.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay in mudanayaasha Baarlamaanku ay u istaagaan sidii ay u dhisan lahaayeen Xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho oo xiligan uu ka muuqdo burbur xoog leh.
Halkan Ka Dhageyso.
Audio PlayerIdale News Online, Muqdisho