Dhageyso VOA:Gabadhii Ugu Horeysay Soomaali Ah Oo Ka Mid Noqotay Booliska Gobolka Minnesota

0
380

MN(INO)-Gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah ayaa shalay si rasmi ah uga mid noqotay Ciidamada Booliska Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, iyadoo la siiyay kaarka Booliska.

Gabadhan Soomaalida oo lagu magacaabo Khadra Maxamed oo 22-jir ah ayaa ka mid noqoneysa 7 qof oo Soomaali Boolisah oo ka howl gala Gobolka Minnesota.

Khadra Maxamed ayaa bishii Maarso ee sanadkan laga shaqaaleysiiyay qeybta booliska ee magaalada St. Paul ee Gobolka Minnesota,iyadoo ka mid ah qeybta booliska ee Metro-transit Police loo yaqaan oo ka howgalaya magaalooyinka mataanaha ee St. paul iyo Minneapolis oo ay ku noolyihiin Somalida ugu badan Mareykanka.

Wareysi ay siisay VOA ayay ku sheegtay inay ku faraxsan tahay ka mid noqoshada Ciidamada Booliska Gobolka Minnesota, iyadoo sheegtay inay u adeegeyso dadka Soomaalida ee gobolkaas ku nool.

Khadra ayaa sheegtay in loo ogolaaday in shaqadeeda ku gudato iyadoo madax u xiran yahay.

somali boolis (1)somali boolis (2)somali boolis (3)somali boolis (4)Idale News Online, MN,USA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here