Dhageyso:Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Shirkii Wada Tashiga Ee Garowe

0
209

Garowe(INO)- Wararkii ugu dambeeyey oo ay Idale News Online  ka helayso madasha wada xaajoodyada dawladda Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda Soomaaliya ayaa sheegaya in ay goor dhaw manta oo Jimce ah dib ubilaaban doonaan wada xaajoodyada gudiyada, markii xalay lagu kala kacay markii waxba horumar ah laga gaari waayay qodobada qaarkood.

Wararka ayaa xaqiijinaya in aysan jirin wax tanaasuulad ah oo ay sameyeen dhinacyada Puntland iyo DFS oo xalay isku qabsaday qodobada ku aadan dhismaha maamul usameynta gobalada dhexe ee Soomaaliya.

Wafuuda afarta dhinac ayaa manta oo dhan sii joogi doona Hoolka shirarka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland, waxaana dodo adag ay ka yeelan doonaan inta badan qodobada laysku mari la’ayahay iyo kuwa kale oo ayana diirada la saari doono.

Puntland ayaa diidey in ay haba yaraatee laga gudbo arrinta maamul usameynta gobalada dhexe, iyadoo sheegtay in ay uga baahan tahay DFS cadeynta siyaasada loola jeedo gobalada Mudug iyo Galguduud.

Gudiga DFS umatalaya kulanka ayaa latashiyo ay la sameeyeen Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud la xaqiijiyey in aysan waxba tanaasulad ah dhankooda sameynin.

Wada hadalada ayaa socon doona tan iyo manta, waxaana lafilayaa in berito wixii loo gaaro lasoo saari doono Warmurtiyeed waa hadii ay dhinacyadu isku raacaan dhamaanba waxyaabaha laga wada hadlay.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here