Garowe(INO)-Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadii mar hore laga fakirilahaa in geed hoostiisa la isugu yimaado oo Soomaalida wadatashato in halkaan aysan soo gaari laheyn wax badan.
Axmed Madoobe, ayaa sheegay in ay tahay meel looga soo wada jeesto waxa uu ku sheegay cadowga gudaha, isaga oo soo jeediyay in laga gacan siiyo dhameystirka Maamulada Dalka.
“waxaan maanta ciyaari karnaa door aan ku badbaadin karno Umada oo aan kusoo celin karno Dowladnimadii Soomaaliya” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ee maanta ka furmay Magaalada Garoowe.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Garowe