Dhageyso:Madaxweye xasan “Maamulka Gobollada Dhexe Ka Sammeysmaya Carqalad Kuma Ahan Puntland”

0
179

Garowe(INO)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo socdaal shaqo ku jooga Magaalada Garoowe ayaa waxaa la weydiiyay su’aal ahayd mowqifka uu ka taagan yahay maamulka loo sammeynayo gobollada Dhexe, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in maamulkaas uusan ahayn mid wax u dhimmaya maamulka Puntland, wuxuuna warbaahinta ka codsaday in aysan dadka marin-habaabin.

xasan maxmed

“Saxaafadda waa indhaha iyo dhegaha dadka ayaa la yiraahdaa, marka wax fiican in ay dhegaha dadka maqashiiyaan, indhaha dadka tusaan ayaa la rabaa. Maamulkaas waa mid KMG ah, sharciyaddiisana waa dhimman tahay, waxaana caddeyneynaa in maamulkaas uusan ahayn mid carqalad ku ah maamulka Puntland”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.4

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here