Garowe(INO)-Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kamid ah raga sida weyn saameynta ugu leh Siyaasada Soomaaliya, ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo shirka Garoowe, isagoo sheegay in uu horay ujoogey Shirarkii looga soo saaray dalka KMG-nimada oo dhamaantood lagu qabtay caasumada Puntland ee Garoowe.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ku bogaadiyey dawladda iyo Shacabka Puntland jaceylka ay uqabaan Soomaalida oo markale midowda, isla markaasna wax kasta ka gudubta, isagoo sheegay in ay diyaar uyihiin maamulkiisu aqbalida wax kasta oo danaha Soomaaliyeed ku jiraan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Garowe