Dhageyso:Khdubadii madaxwaynaha DFS, ka jeediyay shirka arrimaha Somalia ee Garowe

0
243

Garowe(INO) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo daahfuray wajiga labaad shirka arrimaha Soomaaliya ee Garowe ayaa hadalo muhiim ah ka jeediyay.

Madaxweyne_Xasan_Garoowe_Shir_HOL

Khudbadda Xasan Shiikh Maxamuud oo ka badnayd 35-daqiiqo ayaa waxay diiradda saaraysay guud ahaan xaalada dalka sida iftiiminta meeshii laga soo kacay ,halka loo socdo iyo isku-diibnimadda madaxda dalka.

Balse waxay dadku aad u xiisaynayaan dhismaha mamulka gobalada dhexe in la cadeeyo iyo qarashaadka Barnaamijka New Deal-ka Soomaaliya inta uu leeg yahay ee dowladda loosoo gacan galiyay iyo sababta wax looga qaban la yahay qodobadda laga badalay Dastuurka qabyada ah ee dalka uu lee yahay.

Madaxwaynaha ayaa cadeeyay inuusan wax dhibaato ah u dhimi doonin mamulka gobalada dhexe, mamuladii horay u jiray sida kan Puntland oo dhowr jeer oo hore ka hadlay mamulka dhismihiisa Cadaado looga tashanayo.

Haddaba warbaahinta Puntland Post ayaa masuuliyad iska saartay inay idin soo gudbiyo khdubadii madaxwaynaha dalka oo dhamayastiran halka ka Dhageyso.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here