Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyey Dilka Wariye Daauud Cali Cumar Iyo Xaaskiisa

0
275

Baydhabo(INO) Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in xalay Xaafadda Bardaale ee magaalada Baydhabo lagu toogtay Wariye ka hawlgali jiray Idaacad ku taalla magaalada Baydhabo.

bad-news

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in rag hubaysan ay u dheceen hoyga uu magaalada Baydhabo ka daganaa Wariye Daa’uud Cali Cumar,kooxda ayaa rasaas la dhacay wariyaha waxaana goobta ku geeriyooday Alla ha u naxariistee Wariye Daa’uud iyo Xaaskiisa oo ay xiligaas guriga ku wada sugnaayeen.

Kooxda dilka geysatay ayaa lasoo sheegayaa iney sidoo kale toogteen nin deris la ahaa Wariye Daa’uud Cali Cumar,kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, mana jirto cid sheegatay dilka naxariis darrada ah ee  xalay magaalada Baydhabo loogu geystay Alla ha u naxariistee Wariye Daa’uud Cali Cumar oo kamid ahaa wariyaasha Soomaaliyeed.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here