Xudur(INO)-Shiikh Aadan Madoobe oo ah Gudoomiyahii Hore Ee Baarlamaankii Ku Meel Gaarka ahaa Haddana ka Mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayay ayaa Gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Xildhibaan aadan Madoobe ayaaa Waxaa uu ka Warbixiyay Safarka ay ku taggeen Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Halkaasi oo ay gaareen Shalay Asiga iyo Xubno Ka Socda Qaramada Midoobay
Aadan Madoobe ayaa waxaa uu Carabka ku Dhuftay in ay Halkaasi ka Jirto Xaalad Nolol Xummo oo Heysta Dadka Gobolka Bakool Waxaa uu Hay’addaha Caalamka iyo Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ugu Baaqay in ay Gargaar lasoo gaaraan dadkaani
Xildhibaan Aadan Madoobe ayaa waxaa uu Sheegay in ay Al-shabab Cunaqabateyn Xoogan ku Hayaan dadka Gobolka Bakool taasi oo Xaladdo kale Abuuri karto sidda uu Yiri
Idale News Online, Xudur