Madaxweyne Xasan Oo Kulan Albaabadu U Xiran-yihiin La Qaatay Isimada Puntland iyo Gaas

0
390

Garowe(INO)-Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii labaad ku hoyday magaalada Garoowe oo xarun u ah dowladda Soomaaliyeed ee Puntland.

Xasan ayaa kulammo la qaadanaya isimada iyo madaxda dowladda Puntland,waxaana shir ay albaabadu u xirnayeen uu la qaatay qar ka mid ah isimada Puntland kuwooda ku sugan Garoowe.

Kulanka waxaa goob-joog u ahaa madaxweynaha Puntland,waxaana la sheegay in isimada iyo Xasan Sheekh inay ka wada-hadleen arrimo badan oo quseeya danaha Soomaaliya gaar ahana danta Puntland.

Ma jirto war ka soo baxay oo saxaafadda la siiyay kulanka,balse waxaa la sheegay isimada inay madaxweynaha usoo jeediyeen dhowr tallo oo la sheegay inay ugu baaqen dalka inuu ku haggo.

Madaxweyne Xasan oo ay muddo yar uga dhimantahay waqtiga uu dalka hoggaaminaya ayaa isimada waxaa ay u sheegeen inay muhiimtahay dalka inuu ku dhaqo dastuurka oo ah sharciga u yaalla dalka.

“Isimada waxaa ay u sheegeen madaxweynaha in cadaalad iyo sida dastuurka ku dhigayo uu ku dhaqo Soomaaliya oo hadda ka gudbaysa marxalado waqti dheer qaatay,”ayuu yiri mas’uul ay xigatay warbaahinta gudaha oo shirka ka hadlay.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu qaatay dhammaanba tallooyinka ay soo jeediyeen isimada Puntland,waxuuna ku ammaanay doorka ay ka qaateen xoojinta dowlad-nimada muuqata ee u sheegay inay ka jirto Puntland.

Sidoo kale,madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu shir gaar ah la qaatay madaxweynaha Puntland oo ay waheliyeen mas’uuliyin ka tirsan dowladda,waxaana ay ka wada-hadleen xiriirka labada dhinac iyo sida lugu gaari karo higsiga sanadka 2016 oo ah mid la doonayo Soomaaliya inay ka soo baxdo dhibatadii la hartay ayna gaarto doorasho xor ah.

Illaa hadda ma jirto cid caddeysay in madaxweynaha kulamada uu qaatay lugu soo hadalqaaday qorshaha lugu dhisayo maamulka gobollada dhexe oo an la caddeyn deegannada gobolka Mudug ka raacaya maamulka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr mar sheegay maamulka inuu yahay mid KMG ah haddana la awood noqon doona maamullada dalka ka jira,balse wali ma aha mid dhameystiray sharuudaha dastuurka ee hirgalinta maamullada.

Dhinaca kale,fidkii hore ee xalay waxaa madaxtooyada Puntland ka billowday shirar u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamullada dalka,kuwaaso ka hadlaya sida uu ku billaaban lahaa shirka wada-tashiga ee berri ka furmaya Garoowe.

Kulamadan ayaa ka dambeeyay,kaddib markii ay Garoowe isugu tageen madaxda maamullada dalka iyo madaxweynaha Soomaaliya oo u shir uga furmayo maalinta berri ah sida la sheegay.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here