Xudur(INO)-Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool, ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al Shabaab deegaano hoostaga Gobolkaasi.
Ciidamada ayaa la wareegay, Deegaano lagu kala magacaabo Moora-Gaabey iyo Ceel-lahelay, ee gobolkaasi Bakool , halkaasi oo in muddo ah ay maamulayeen Al Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ee jooga gobolkaas ayaa u sheegay Mustaqbal in ay doonayaan ay in labada toddobaad ee socda ku guuleestaan la wareegida gobolkaas oo dhan.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, Aadan Cabdi Abaarey, ayaa sheegay in inkasta uu jiro cadaadis aanu cadeyn waxa uu yahay, ay haddana doonayaan in ay suurageliyaan inaanu joogin gobolkaas ciidan aan ahayn kan dowladda.
Halkan Daawo.
Idale News Online, Xudur