Baydhabo(INO)–Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Wasiirka Wasaaradda Hub ka dhigta, Dhaqancelinta iyo tababaradda Maleeshiyaadka ee Dowladda KGS, Mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo xubna ka tirsan hay’adaha iyo Jiliyaasha Aan Dowliga ahayn ee NGO ,oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda ayaa manta ka dhacay xarunta Hollka Shirarka Ee Dowladda KG Soomaaliya ee Baydhabo.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubna aad ubadan kuwaaasoo ka kala socday ha’yadaha caalamigaa iyo kuwa local ka kuwaasoo dhamaantood ah kuwa ka shaqeeya ama daneeya Dhaqancelinta Ee DDR.
Hay’adaha iyo Jiliyaasha aan Dowliga ahayn ee Ka Shaqeeya arimaha Dhaqancelinta,oo maanta Ka Soo qiib galey ayaa waxa ka mid aha, Xafiiska Siyaasadda Qaramadda Midoobey Ee Soomaaliya Ee UNSOM,ILO, IOM,GEREDO, KANAVA iyo weliba kuwa kale oo badan.
Kulankan ayaa soconaya muda Saacado ah ayagoo laysla gorfaynayo Sii looga wada Qiib wadan lahaa Barnaamijka Dhaqancelinta iyo waxa loo qorshayanayo mustaqbalka.
Kulankan ayaa ahaa mid cusub iyadoo la isla afgartey in markastana la qabto Muhiimada laga leeyahayna ay tahay, in si wadajir ah looga wada qiib qaato.
Gabagadii kulankan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Hub ka dhigista iDhaqancelinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Ee Dowladda KG Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ,isagoona ka warbixiyay ujeedada kulankan amaana usoo jeediyay dhamaan kasoo qaybgalayashii isagoo intaasi raacshay inay tahay tan mid loo baahanyahay in si fiican layskula fiiriyo.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baydhabo