Dhageyso:Hadaladii Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed U Jeediyeen Saxaafada

0
241

Garowe(INO) Soo dhawaynta madaxda mamuladda Jubbaland iyo Koonfur galbeed Soomaaliya, ka dib ayay warbaahinta kula hadleen aqalka madaxtooyadda Puntland ee Garowe.

garowe

Hadalka waxaa ku horeeyay madaxwayne Gaas, oo marka hore sheegay inuu ku faraxsan yahah madaxda dalka inay Garowe shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ugu yimaadeen.

Madaxweyne Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe , ayaa dhankooda soo dhaweeyay qaabka madaxda Puntland Garowe ugu soo dhaweeyeen, waxay kaloo sheegeen imaanshiyahooda Garowe inuu salka ku hayo ka qayb galka wajiga labaad shirka arrimaha Soomaaliya.

Maalinta barrito ahaa lagu wadaa shirka inuu daah furo madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud, kaasoo marka danbe arrimaha laga wada hadlayo guddi loo saari doono.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here