Cadaado(INO)-C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah musharrixiinta madaxweynenimada maamulka Gobollada Dhexe ayaa kasoo horjeestay in saxiixayaasha shirka Gobollada Dhexe ay talada iyo awoodda shirka ay la wareegaan, wuxuuna ku baaqay in madaxda maamulladii horay u jiray sida Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug ay beelahooda wax ku raadsadaan maadaama shirka loo qabtay beelaha Mudug iyo Galgaduud.
“Waa jirtaa in ay deegaannadan maamullo lahaayeen, laakin markii heshiiskii la saxiixay kaddib waxay maamulladii isu bedeleen beelo”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed oo sheegay in hoggaamiyayaasha maamulladaas looga baahan yahay in iyagoo beelahooda ka socda ay shirka ka qeybgalaan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online,Cadaado