Madaxweynaha Dowladda KG Soomaaliya Oo Hada Garowe Gaaray

0
256

Garowe(INO):Madaxweynaha Dowladda  koonfur balbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa hada  gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe ,waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey masuuliyiinta ugu saraysa Puntland uu horkacayo Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali gaas .

Madaxweyne Shariif ayaa gacan qaaday masuuliyiintii iyo shacabkii kusugnaa garoonka ee ka qayb qaadatay soo dhaweyntiisa .

Garoonka ayaa waxaa sidoo kale kusugna qaar kamid ah ciidamda qalabka sida ee Puntland kuwaas oo salaan uu qaaatay Shariif Xasan .

Madaxtooyada Garowe ayaa la filyaa inuu kulan kula qaato madaxweyne gaas ay warbaahintu banaanka ka joogto iyagoo markuu kulan koodu soo dhamaato war fidiyeenka si wada jir ah ula hadli doona

Magaalad Garowe ee Caasumada Puntland ayaa waxaa ka furmaya shir looga hadlayo arimaha Soomaalia waxaana horay Garowe ugu sugnaa madaxweyanaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud, waxaana Shariif Xasan ka horeeyay oo maanta Garowe yimi Madaxweynaha Maamulka jubbaland Axmed Madoobe

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here