Dhageyso: Proff. Idiris Cabdi Iyo Siyaasiyiin Kale Oo Dood Kuluul Ku Dhexmartey Baydhabo Oo Ku Saabsan Baarlamanka Jubba

0
250

Baydhabo(INO)- Barnaamijka Dareen Shacabka: Dood kuluul oo dhex martey, Aqoonahayno iyo Abawaan Oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Aqoonayahan Proff. Idiris Cabdi Takhar Oo ah Madaxa Xafiiska Jaamacadda Upper Jubba, ee Magaalada Baydhabo , Xasan Cusmaan Axmed oo ka mid ah Abwaana Soomaaliyeed iyo Shariif  Hadleye oo ah Waxgaradka Baydhabo

Dooda ayaa waxa Looga hadley, Baarlamanka jubba iyo Aqoonsigi ee caalamka  iyo Dowladda Soomaaliya ay  la Sii deg degeen, iyadoona Beelo badan ay ka cabanayaan in lagu sameeyey xad gdub isla markaana qaar ka mid ah loo hanjabey.

Proff. Idirs Cabdi Takhtatr ayaa Si cad ugu Soo horjeestey, Baarlamanka jubba Isla makanaana waxa uu  sheegey in Dulmi weyn ay tahay dad aan degaanka ahayn in loo gacan galiyo Siyaasada iyo Masiirka Umadda  Gobolada Jubooyinka.

Aqoonhan Proff. Idiris Cabdi Takhtar   ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha Dareska la ah soomaaliya ku eedayey Naas-Nuujinta  Axmed Madoobe Oo horey u soo noqdey Hogaamiye ka tirsanaa Kooxda Mayalka adag ee Soomaaliya Al-shabaab, isla markaana hadda loo duubey Madaxweynaha Jubba.

Wuxu Soo tireyey Degaano Badan oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka  oo ay degaan umadda Ku hadasha Afka May-ga isla Markaana laga qadiyey Xildhibaanada Baarlamanka Jubba taasoo uu ku timaamey dulmi bareer ah oo lagula Kacay Bulshada ugu tirada Badan Goboladda Jubooyinka.

” Anaggu  waan ka Soo horjeednaa Dulmiga meeshaasi ka jira ,  Nin aan degaanka ahayn ayaa halkaas la keeney , dadkii degaanadaasi deganaa dulmi bareer ahayaa  lagu kacayey, Magacyada degaanadaasi ayaad ka garan kartaa beelaha Asal ku ah Jubooyinka, Beesha caalamka waxaan u sheegeyna in ka  fiirsadaan taagyeerida Xildhibaanada Jubba” ayuu yiri Proff. Idiris Cabdi Axmed Takhtar

Shariif Hadlaaye ayaa qabaa in la sameeyo cadaalad u wada dhexeyso Beelaha wada dega jubooyinka si looga baaqado colaad sokeeye oo ka Dilaacda Gobolada Jubooyinka.

“Dadka Soomaaliyeed waa  dad wada dhashey,  Kii kor ka imaadey  waa in la siyaa, ma ah  oo in  La yirahado Reer Hibil Hala Siyo, reer Hibil ha loo diido  deegaanku waa la wada leeyahay waana la wada Degan yahay anigu waxaan qabaa soomaalidu in kala geynin oo aan  la kala waxaynin” ayuu yiri. Shariif Hadlaaye.

Abwaan Xasan Cismaan  ayaa Beesha caalamka  ku taagyeen Taagyeerida Maamulka jubba isagoona  Maamulka Axmed Madoobe sheegey in maamulkiisa la  Ixtiraamo Taasoo beelaha Gobolada Jubooyinka Badan kooda ay ka Soo horjeeteen arintaasi.

Anigu waxaan qabaa in Ummadda  la isku soo dhaweeyo, cidii wax tabaneyso  la qanciyo” ayuu yiri Abwan xasan

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here