Dhageyso Warbxin: Xaaladda Waxbarasho Ee Degmada Berdaale Oo Laga Dayriyey

0
212

Berdaale(INO)-Tan iyo markii ay burburtey Dowladi dhexe ee soomaaliya waxa la waayey adeegyadii aas aasiga ahaa ee bulshada ay u baahnaayeen, sida caafimaadka iyo Waxbarshadda, iyadoona,qaar ka mid ah bulshadda Soomaaliyeed ee Gobolada KG Soomaaliya ay sameeyeen Iskuulo gaar  loo leeyahay, kana  Sameeyeen Degaano ka  tirsan Gobolada KG Soomaaliya.

Hadaba dadka degaanka ee Degmada Berdaale ee Gobolka ayaa ka cabanaaya waxbarasho la’aan halkaasi ka  jirto, iyadoona Degmadaasi uu ku yaalo hal iskuul oo qura isla markaana dhalantii waxkabaran lahaayeen ay waayeen Agabyo waxbarasho iyo dhiira galin ku aadan waxbarashadooda.

Sida Wariyaheena Magaaada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, Muxidiin Xasan Xusni ku waramayo, waxa halkaasi ka jira Gaabis waxbarasho isla markaana dhalinta Degmadaasi ayaa la sheegey in ay ka niya jabeen waxarashada iyagoona Ma iibadey inay fariistaan darbiyada Magaalada Berdaale Kana Sheekeyaan saacado badan, ka dib markii ay waayeen Dhiira galin toos ah iyo tayada  macalimiinta  degaankaasi oo aad u liidato.

Nuurto Sheekh Amiin oo Maamulle iyo barre sare ka ah iskuulka Amuurta ee Degmada Berdaale ayaa sheegtey “Waxbarasho la’aanta ka taagan degmada Berdaale waxa sabab u ah amniga iyo macalimiinta oo aan haysan mashahaaraad ku filan iyo ardeydii oo ka Niya jabtey waxbarashada” ayey tiri Maamule Nuurto sheikh.

Gudoomiyaha degmada Berdaale Ee Gobolka Baydhabo Maxamed Isaq Caracase ayaa sheegey in degmada Bedaale aaney ka jiran waxbarasho toos, iyo mid dad Xitaa, sido kale waxa u tilmaamey in wasaaradda waxbarahadda iyo barbaarinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka  sugayaan in ay wax ka bedesho tayada waxbarashada ee degmada berdaale.

“ Dowladda Soomaaliya iyo KGS waan u sheegeyney xaalada waxbarasho ee Berdaale, balanqaadyo way jiraan,laakiin balanqaad ma dhamaanayo, waxbarashadda degmada Way liidataa” ayuu yiri Gudoomiye Caracase.

Ugu dambeyntii, Malaayiin doolar ah ayaa Caalamka ugu  deeqey dowladda Dhexe ee  soomaaliya taasoo la doonayo in wax lagu baro caruur Soomaaliyeed oo gaareyso 3 Million  ee Mashruuca GO TO SHOOL, degaano badan ayaa  mashruucaasi Ka Socada, lama garanayo Sida uu u gaari doono degmada Berdaale Ee Gobolka Bay iyo degaanada kale ee u ooman waxbarashadda.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Berdaale, Bay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here