Abuukar Saciid “Wiilkeyga ilaa hada FBI-da meesha ay geeyeen ma aqaan”

0
219

Muqdisho(INO)-Kadib markii maalintii Jimcaha aheyd ciidamada FBI-da Mareykanka ay xireen Maxamed Abuukar Saciid oo ah Wiil Soomaali ah oo ku noolaa Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa xarigiisa waxaa ka hadlay Aabaha dhalay wiilkaan.

Maxamed Abuukar Saciid, ayaa FBI-da waxa ay ku eedeeyeen in barta xiriirka Bulshada ee Internet-ka uu ku leeyahay uu ugu hanjabay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka dalka Mareykanka.

Abuukar Saciid oo ah Aabaha dhalay wiilkaan, ayaa sheegay inuusan garan karin halka ay la aadeen ciidamada FBI-da Wiilkiisa, tan iyo maalintii Jimcaha aheyd ee ay xireen, wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray in arintani ay tahay mid awood loo adeegsanaayo.

“Waligeey ma maqlin intaan noolaa qofbaa Computer ku caytamay oo la xidhay, wax caqli gal ah ma’ahan awoodbaa naloo sheeganayaa.” Ayuu yiri Abuukar Saciid oo VOA u waramay.

Abuukar ayaa wuxuu tilmaamay inuusan waxba kala socon eedeynta FBI-da ay soo jeedisay, wuxuuna qeexay in arintani ay tahay mid walaac iyo dhibaato ku abuurtay waalidiinta Soomaalida ee dalka Mareykanka, maadaama caruurtooda la iska xiranaayo.

Maxamed Abuukar Saciid oo ah wiilka xiran, waxa ay saaxiibo ahaayeen oo iskuul isla dhigan jireen lix Wiil oo Soomaali ah oo FBI-da horay ay u xireen, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ku biiri rabeen Kooxda Daacish ee dalalka Syria iyo Ciraaq xoogooda ka dagaalama.

Aabe Abuukar ayaa ku eedeeyay Jaaliyada Soomaalida ee Minneapolis inay yihiin kuwa aanan isku duubneyn.

Sabtidii lasoo dhaafay ayeey Waalidiinta Soomaalida Minneapolis ay dhigeen banaanbax ay ku dalbanayeen in caruurtooda la soo sii daayo ama ay helaan cadaalad ku aadan eedeymaha loo haysto.

Idale  News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here