Ciidamada NISA Oo weeraray Guri ku yaala Muqdisho Oo Xildhibaan Hore Uu lee yahay Ahna Hogaamiye Koxeed

0
269

Muqdisho(INO)-Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Gobolka Banaadir, ayaa  ku dhaqaaqay guri uu lee yahay Ex Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux, oo ku yaala Warshadda Caanaha ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka Dowladda waxay si xun ula dhaqmeen qoys kiro ahaan gurigaasi ugu deganayd, iyagoona xaalad qalqal ah geliyay qoyskaasi, xilli aan la aqoon baahida keentay inay ku dhaqaaqaan.

Ciidamadu waxay burburin kula dhaqaaqeen qaybo ka mid ah hoygaasi, waxaa kaloo la arkaayay iyagoo burburinaya agabyo ay lee yihiin qoyska guriga degan.

Waxay ku wargeliyen in si deg deg ah ay kaga guuraan hoygaasi, mana aynaan u sheegin sababta keentay inay amarkaasi siiyaan, kana guuraan hoygii ay deganaayen.

Booliska iyo Nabad Suggida oo tiradoodu ay aad u fara badnayd, ayaa kolkii dambe isaga tagey hoygaasi, marka laga reebo inay ka qaataan qalab yiilay, oo qoyskaasi ay lee yihiin.

Dhacdadan, ayaa sababtay in boqolaal ka mid ihi dadka deegaanka ay isugu soo baxaan banaanada hore ee guriga la weeraray. Dadka deegaanka ayaa la soo sheegayaa inay si weyn u hadalhayan dhacdadaasi.

Furux, ayaa hoygiisa la weeraray xilli uu ku maqan yahay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo uu kaga qaybgelaayo Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe.

Talisyada Nabad Suggida iyo Booliska Gobolka Banaadir, ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin, waxa uu salka ku haayo, in lagu duulo guri uu lee yahay Mudane ka tirsanaa Baarlamaakii Kmg ahaa, ee Dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Idale News Online,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here