Muqdisho(INO)-Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa laga Dareemay Horumar dhinacyo badan iyadoona ay magaalada kasoo kabanayso dib u dhacii balaadhnaa ee soo gaadhay Xiligii dagaalka Sokeeye iyo Bur-burkii dawladnimo.
Magaalada ayaa waxaa hada ka socda maalgashi xoogan oo dhinacyo badan taabanaya, sidoo kale Dawlada soomaaliya ayaa door wayn ka ciyaaraysa Bilic soo celinta magaalada Muqdisho, Qurbajooga Soomaliyeed iyo dal xiisayaasha kale ayaa Fursad u hela damaashaadka Xeebta Liido iyo Hotelo casri ah oo laga dhisay Muqdisho.
Hadaba waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinayaa Barnaamij Xiiso badan leh oo Tv-ga Qaranka Soomaaliyeed uu ka diyaariyey Beerta nabadda ee Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho