Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdui uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Mudaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Safaro ku soo kala bixinayay Magaaladda Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose iyo Muqdisho ayaa markii uu ka Degey Garoonka Caalamiga ah ee Shaati wuxuu gacan qaaday mas’uuliyiintii iyo Bulshadii qeybahooda kala duwan ee dhaweyntiisa ka qeyb qaadaneysay.
Ugu horeyn ayaa gudaha Garoonka Shaati kula hadlay saxaafada Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliyae Mudane Cabdi qaadir Cashar Nadaara ,isagoona ka warbixiyay safarka madaxweynaha iyo waliba qaabka ay u dhacday soo dhaweyntiisa.
Halkan Ka Dhageyso.
” Madaxweynaha Maanta ayuu dib ugu soo laabtey Baydhabo oo ah Xurunta KMG Ee KGS , waxaana safar ku tagey Magaalada Baraawe oo ah Caasimadda Rasmiga ah ee Dowldda Koonfur Galbeed Soomaaliya , Waxaana safarkaasi ku wehelinaayey, Xubno ka tirsan Dowladda KGS, Wefdi caalami ah oo ka kala socodey Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee UNSOM iyo Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya , Dhamaantoodu waxay Balan qaadeen in si deg deg ah loo dhiso xarumaha Dowlada KGS ee Baraawe Sida Garoonka, Madaxtooyadda iyo Dekadda Baraaawe” Ayuu yiri Afhayeenka Dowldda KGS.
Dhan kale Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa Uu ka hadley, kulun uu madaxweynah Dowladda KGS uu kula la yeeshey Muqdisho Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Mudane Proff. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
” ka dib markii ay soo baxeen xad gudubyo ay u geysteen, Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya wasiirka Ganacsiga iyo Warshada Ee Dowladda KGS C/laahi Sheekh Xasan, waxa madaxweynaha Dowladda KGS kulun albaabada u xiran la yeeshey Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya Ahna, Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Proff. Jawaari, waxaana mdaxweynaha Dowladda KGS uu u sheegey in marnaba ogolaaneynin In Dowladda KGS xad gudub lagu sameeyo Xuduudeeda, Afhayeenkan aWarqad ayuu ka soo saareey arintaasi” ayuu yir C/qaadir Nadaaraa.
Ugu dmabeyntii Dowaldda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dooneysa, in Maamulkeedu ay ku baahiso dhamaan Degaanadeeda isla markaana beesha caalamku ay ka Gado siyaasadeeda ee Ku wajahan Diblomaasiyadda Caalamka.