Muqdisho(INO)- Caalamka oo dhan ayaa manta laga xusayaa maalinta Duumada ama Kaneecada ee Aduunka, iyadoo ay dhici doonaan kulamo si gaar ah looga hadli doono arrimaha Kaneecada ku saabsan sidii taxadar dheeraad ah looga muujin lahaa.
Warbixino ka soo baxay Hay’adaha Caafimaadka ee Caalamka ayaa lagu sheegay in wadamada soo koraya iyo kuwa hoose ee aan wali haweysan in ay soo koraan ay sannad kasta dad badan ugu dhinteen Kaneeco qaniintay oo aysan helin wadooyinkii ay ubaahnaayeen.
Sidaas oo kale Qaramada Midowbay iyo Ururada Caafimaadka ayaa dalbanaya Malaayiin Dolar oo wax looga qabanayo arrimaha Duumada, iyagoo si weyn usoo bandhigaya in ay sannad kasta dhintaan dad badan.
Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka loo raadin doono lacagaha qaarkood, maadaama dalku uu ka mid yahay wadamada ay ka jirto Duumadu, waxaana la sheegaa in ay sannad kasta Soomaaliya jiil dhan udhinto Duumada ama Kaneecada.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho