Dawlada Maraykanka Oo Iran Uga Digay Inay Maraakiibteeda Dagaalka Keento Yemen

0
223

New York(INO)-Mareykanka ayaa ka digay in Iiraan ay maraakiib dagaal u dirto Xeebaha Yemen, kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in Maraakiib dagaal oo hub sida ay Iiraan u dirtay Gacanka Carabta, si ay u gaarsiiyaan Xuutiyiinta Yemen.

obama

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa sheegay inay si gaar ah isha ugu hayaan maraakiib dagaal oo uu Iiraan leeyahay oo ku sugan Badda cadmeed.

Sidoo kale maraakiib dagaal uu leeyahay Mareykanka ayaa ku sugan agagaarka xeebaha Yemen, waxaana Mareykanka uu u diray diyaarado dagaal xambaara gantaalo, si ay ugu biiraan maraakiibtooda jooga biyaha Yemen.

Wareysi uu siiyay Madaxweynaha Mareykanka Telefishinka MSNBC ayuu ku sheegay in maraakiibta dagaalka ee Iiraan ay haatan ku sugan yihiin biyaha Caalamiga, waxaana uu xusay in Maraakiibtooda dagaalka ay tahay sababta ay u joogaan Gacanka Perisia

Iiraan ayaa lagu eedeeyay inau taageero siiyaan Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen oo qabsaday qeybo ka mid ah dalkaas, iyadoo xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo oo habeen hore joojiyay duqeymaha ay mar kale shalay duqeeyeen qeybo ka mid ah magaalada Taciz.

Xuutiyiinta ayaa la wareegay shalay xarumo milateri oo ku yaalla Taciz, saacado kadib markii uu Sacuudiga ku dhawaaqay inuu joojiyay duqeymihii ka dhanka ahaa.

Idale News Online, New York.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here