Daawo:RW, CCC iyo wafdigisii oo la kulmay madaxwayne ku Xigeenka Kenya, Qodobo la isku raacay

0
252

Nairobi(INO)-Waxaa maanta  Kulan balaadhan ku yeeshay magaalada Nairobi Raysal Wasaaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxwayne ku xigeenka dalkani kenya William Ruttu.

CUMAR1

kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka arimaha dibada ee dalka soomaaliya Cabdisalaan Cumar hadliye iyo Wasiirada Arimaha Dibada ee Kenya Amb  Aamiina Maxamed Jibriil, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Kenya iyo qunsulka safaarada soomaalida ee dalka kenya Siyaad Maxamuud Shire .
waxaana kulankan lagaga wada hadlay sidii laysooga kaashan lahaa kahortaga falalka argaggixisada ee ka dhaca dalalka soomaaliya iyo kenya, dib ucelinta qaxoontiga soomaalida ee kusugan dalka kenya iyo sidii xayiraada looga qaadi lahaa xawaaladaha soomaalida ee ka hawlgala dalkani kenya.


Idale News Online, Nairobi, Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here