Daawo: Madaxweynaha KGS Oo Xaflad Sogootin Ah U Sameeyey AMISOM + Cambaareyeyna Weerarkii Magaalada Garowe

0
255

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta xaflad sagootin ah u sameeyey,  taliskii hore ee ciidamada itoobiya ee gobolada Bay, Bakool iyo Gedo General Gebra, isagoona shir gaar ah la yeeshey taliyaha ciidanka itoobiya  ee  cusub.

kgd

Ka dib markii soo idalaadey   kulan ayaa waxa saxaafada la hadley Afhayeenaka Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdi qaadir Nadaara” Madaxweynahu waxa maanta Qasriga  Madaxtooyadda ee KGS  qado ugu sameeyey Saraakiisha Ciidamada Itoobiya,oo  ugu hooreeyo taliyaha ciidanka hada la bedelaayo,  madaxweynaha KGS  waxa uuna shahaado Sharaf  siyey Taliyihii ciidamada AMISOM ee itoobiya, isagoona  qiib lixaad leh ka geysey Xasiloonida Goboladda Koonfurta Galbeed Soomaaliya”  ayuu yiri Nadara.

Dhan kale, war saxaafadeed Ka Soo Baxay, Xafiiska Madaxweynaha dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu cambaareyey Weerarkii Maanta Lagu qaadey, Saraakiil ka tirsan Qaramadda Midoobey ee Magaaladda Garowe ee Xarunta  Maamulka Puntland.

war saxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa lagu  cambaareyey, Weerarkii Maanta Ka dhacey xaruntii QM ee magaalada Garowe, Madaxweynahu waxa uu tacsiyeeyey  dadkii ku wax yeeloowey oo isugu jirey  Soomaali iyo Ajaanib, wuxuuna  ku baaqaya in  si wada jir ah  looga wada  shaqeeyo loogana  hortago kuwaasi oo  dhibaatadda dadka u geysanaayo, sidoo kale madaxweynahu waxa uu tacsiyo u direy ciidamadii AMISOM ee shaley lagu weerarey Inta u dhexeyso Yaag-Beriweyne iyo  Degmadda leego iyadoona AMISOM ay sheegtey in weerarkaasi loogu diley seddex ka mid ah Ciidamadooda , Madaweynuhu aad ayuu ugu xun yahay Falkaasi” Ayuu yiri Cabdi qaadir Nadaara.

Halkan Ka Daawo.

Ugu dambeyntii, Dhawaan ayey ahayd ka dib markiii xaflad  wey lagu qabtey, xarunta AMISOM ee Magaalada Baydhabo isla markaana La sheegey in lagu kala bedelaayo ciidamada itoobiya iyo Saarkiisha.

Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here