Danjire Kay oo cambaareeyay Weerar lagu qaaday Gaari ay lahayd Qaramada Midoobay

0
192

Muqdisho(INO) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia danjire Nicholas Kay ayaa si aad ah u cambaareeyay weerarka gaari ay QM lahayd maanta lagula beegaday magaalada Garoowe; weerarkaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

kay

“Waxaa iga nixiyay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Garoowe. Waxaa aad u fool xun sida loo qiimo tiray nolosha dad ka shaqeeynayay bani-aadanimadda iyo mashaariicda horumarineed ee ku aadfan baahida dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri danjire Kay.

Saaka abaarihii 8:00 aroornimo ayaa gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo ka shaqey-naayay Puntland lala beegsaday qarxa, waxayna waxyeello kasoo gaartay dad aan tiradooda s rasmi ah loo ogeyn, waxaana socda dadaal gurmad ah oo looga jawaabayo dhibkii dhacay.

“Arrintaan waxay murugo ku abuurtay Qaramada Midoobay, haddana waxay u mideysan yihiin sidii ay howshooda u sii wadi lahaayeen. QM waxaa ka go’an inay barbar-taagnaato shacabka Soomaaliyeed. Waxaan tacsi u dirayaa saaxiibadii iyo qoysaskii dadkoodu ku naf-waayeen iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkaas,” ayuu yiri Nicholas kay.

Weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, waxayna ku tilmaantay inay weerartay waxay ugu yeertay gumeysi jooga Somalia; iyadoo afhayeenkooda uu sheegay inay tiro badan ku dileen qaraxaas.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here