Dhageyso: Maamulka Degmadda Leego Oo Gargaar Ka Dalbadey Dowladda KG Soomaaliya

0
227

Leego(INO)-Iyadoo Xaalado Caafimaad iyo noolal xumo Laga soo sheegayo in ay ka jirto Degmadda Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Maamulka Degmadda  Leego  ka dal baday Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya in Ay soo Gaarsiiso Gargaar Deg deg ah si wax looga Qabato xaaladda Cakarinta Degmadaasi.

LEEGO

Abuukar Isaaq Al Cadaala Gudoomiyaha Deegaanka Leego , oo la hadlay  Warbaahinta  ayaa sheegay in Roobkii ka da’ay Deegaanka ay ku barakaceen Qoysas badan oo uu saameeyay Roobka, iyadoona weli dadkaasi aaney Helin Gaargaar caafimad.

Abuukar Isaaq Al Cadaala, ayaa ka dalbaday Dowladda  Koofur galbeed iyo Dowladda Federaalka inay gargaarka ay bixiyaan ay wax ka siiyaan Dadka Deegaanka Leego oo uu sheegay in uu ku yaryahay Caafimaadka iyo cunada.

Dowladda KG Soomaaliya iyo DFS waxaan ka Codsaneynaa in wax nalaga siyo caawinaada, waxaa jiro dad ku dhibeysan degmadan, kuwaasoo saameyn ku yeeshey roobabka gu’ga , waxaan kale baaq u direynaa Hay’ada Samafka” ayuu yiri Abuukar Isaaq

Roobka Guga ayaa ka curtay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana inkastoo lagu diirsaday haddana muuqday  saameynta uu ku yeeshay Dadka oo qaar ka mid ah aqaladooda uu qaday Roobka.

Ugu dambeyntii, roobabka ka da’ey Gobolka Shabellaha Hoose ayaa saameyey Qoysas danyar ah kuwaasoo, ka barakacey degaanadooda, isla markaana weli Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo DFSoomaaliy aysan ka jawaabin Cabashadooda.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Onlline, Leego

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here