Xurguf ka dhalatay hadal dhawaan Kenya ay ka sheegtay dalka Itoobiya oo halis badan

0
223

Muqdisho(INO)-Wararka laga helaayo dalka Kenya ayaa sheegaya in xurguf Siyaasadeed uu ka dhashay hadal dhawaan Dowlada Kenya ay baahisay oo ka dhan ahaa Ethiopia.

Hadalkaani ayaa ahaa shaki ay Kenya ka muujisay in Dowlada Ethiopia ay Hub iyo hantiba ku bixiso Maleeshiyaadka Alshabaab taasi oo sababtay in Kooxdu ay weerar ku qaadi weyso dhismooyinka ugu caansan ee ku yaala Magaalada Adis Ababa.

Faarax Macallim oo kamid ah Siyaasiyiinta dalka Kenya, ayaa dabayaaqadii Asbuucii tagay warbaahinta ka shaaciyay in sababta loo weerari la’ yahay Ethiopia ay tahay xiriir kala dhexeeya Alshabaab, waxa uuna hadalkaasi dhaliyay Khilaaf hor leh oo ka dhex curta labada Dowladood, bacdamaa Dowlada Kenya aysan raali galin ka bixin.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wada hadal arrintaasi ku saabsan uu iminka Magaalada Nairobi uga socdo Danjiraha Ethiopia ee Kenya iyo Wasaarada Arrimaha Dibadda dalka Kenya, si ay Dowlada Ethiopia ay meel uga soo harto hadalkii kasoo yeeray Kenya.

Hadalkaasi ayaa muujinaayo in Dowlada Ethiopia ay aad uga carootay, kadib markii ay Ergooyin usoo dirtay Nairobi, waxa uuna hadalkaani kusoo beegmayaa iyadoo Kenya ay ku jahwareersan tahay xaalada amaan ee dalkeeda.

Dhanka kale, Ethiopia oo ay cadaawad muuqata kala dhexeyso Alshabaab ayaa xiligaani aad uga feejigan weerar kaga imaada dhanka Alshabaab, walow ay jiraan shakiyo laga qabo in xiriir hoose uu ka dhexeeyo Ethiopia iyo Alshabaab.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here