Xilliga La Bilaabayo Xulista Baarlamanka Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo La Shaaciyey

0
272

Baydhabo(INO)-Waxa Si weyn looga Dareemaayo magaalada Baydhabo ee xarunta Bay, Mushquul ku  aadan Xulista Baarlamanka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoona Wufuud kala Gedisan Magaaladaasi  ay Ku qulqulaayaan.

nadaara

Afhayeenka Madaxweynaha ee Dowladda KGS ,Cabdi qaadir Nadaara oo Warfidiyeenadda Ku la hadlay Magaaladda Baydhabo  ayaa Sheegey in todobaadkan Gudahiisa uu  madaxweynaha dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya  uu daah furi doono Xafladda Xulista Baarlamanka Dowladda KGS.

Madaxweynaha Dib ayuu Ugu soo laabtay Baydhabo, Howsha Ugu weyn ee uu qaban doono todobaadyadan ayaa ah, sidii loo dhisi lahaa hay’ada Sharci Dajinta   ee  Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya,Odayaashu intooda badan way maqan yihiin, qaarna wey joogaan, hadda intooda badan waxay bilaabeen in ay  ku soo laabtaan Baydhabo ,Howsha Xulista Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa La Gudi Gali Doonaa, madaxweynahu waxa uu ugu baaqaya odayaasha Dhaqanka Kale  ee maqan in si dhaq leh ay ugu soo xaroodaan Baydhabo  si loo Gudi gallo Barnaamijka Xulista Baarlamanka KGS” ayuu yiri cabdi qaadir Nadaara.

lama Garan karo tiradda Xildhibaanadda Baarlamanka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yeelan doonto, walow  Qaar ka mid ah odayaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya ay Soojeediyeen in la gaarsiyo ilaa 90 Xubnood si loo wada Qanciyo Beelaha Wada Dega KGS.

Dhan kale Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulumo Gooni Gooni ah la yeelan doonaa Mudanayaal ka Tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo ku Sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta GobolkaBay, iyagoona ka wada hadli doonaan ayaaha Siyaasaadda Goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidii Bulshadd Koonfur Galbeed Soomaaaliya ay ugu qiib qaadan lahaayeen Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya ee  sanadka 2016.

Madaxweynahu waxa uu kulumo la qaadan Doona Xildhibaano KaTirsan Baarlamanka Soomaaliya oo Dhawaan Soo Gaarey Baydhabo” ayuu yiri Afhayeen Madaxweynaha KGS.

Ugu damebyntii, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Dhawaan Safar Shaqo ah ku tagey  Dalka isu taga Imaaraadka Carabta isagoona halkaasi Kulumo kula yeeshey wasaaradda arimaha dibadda iyo wasaaradda Arimah Gudaha Dalka Imaaraadka Carabta.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here