Muqdisho (INO) –– Xildhibaano badan oo Maanta oo Sabti ah Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay inay aad uga soo horjeedaan sida Uu Axmed Madoobe usoo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkiisa.
Xildhibaan Daahir Jeesow, oo kamid ahaa Xildhibaanada Shirka qabtay ayaa tilmaamay in ay kasoo horjeedaan inuu MD Xasan Sheekh tago Kismaayo, markuu kasoo laabtay dalka Jordan oo hadda ku maqan yahay.
“MD Xasan Sheekh Codkeena ayuu ku fadhiyaa Kursiga, marka waxaana uga digaynaa inuu aado Kismaayo oo ugu hambalyaayay Baarlamaanka uu soo xulay Axmed Madoobe, ee aan Shacabka dooran Doorashooda,” ayuu yiri Jeesow.
Jeesow ayaa hoosta ka xariiray in Maamulka Axmed Madoobe uu yahay mid aan Cadaalad & Rabitaan shacab ku dhisnayn, oo si xoog leh ku qabsaday Mustaqbalka Muwaadinii nta Jubbooyinka.
“Kismaayo Maalin kastaa Dad Shacab ah, Ganacsato & Oday dhaqameed ayaa lagu dilaa, lagu afduubaa, wax amni & Maamul ah kama jiro, marka ma ahan inuu Madaxweynaha Qaranka uu ugu hambalyeeyo Hogaamiyaha xooga ku jooga Kismaayo dhibka uu shacabka ku hayo,” ayuu raaciyay hadalkiisa Jeesow.
Hadalka Xildhibaanada ayaa imaanaya xili soo baxayaan Warar sheegaya in MD Xasan uu dhawaan tagi doono Kismaayo, si uu ugu hambalyeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Axmed Madoobe Doorashadooda.
Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay in inta badan Beelaha Jubbooyinka & Gedo uu u diiday inay kamid noqdaan Baarlamaankiisa, waxaana uu Xildhibaanada ka dhigay Beeshiisa & kuwa kale oo isaga u adeega.
Idale News Online – Muqdisho