Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir Cali Seeko, iyadoo xilkaas loo magacaabay C/fataax Cumar Xalane.
Wareegto ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in markii uu Guddoomiyuhu arkay ahmiyada ay leedahay magacaabida xilka Afhayeenka Gobolka Banaadir ayuu Guddoomiyuhu magacaabay C/fataax Cumar Xalane oo horay u ahaa Agaasimaha Waaxda Warfaafinta.
C/fataax Cumar Xalane oo ka mid ahaa bahda saxaafada ayaa noqonaya afhayeenkii saddexaad ee xilkan loo magacaabay tan iyo markii Guddoomiye Muungaab uu xilka ka qabtay, waxaa ka horeeyay labo afhayeen.
Wareegtada lagu magacaabay Afhayeenka cusub, loogana qaaday Afhayeenkii hore ayaa sidan u qorneyd:-
Idale News Online, Muqdisho