Muqdisho (KON) — Wararka Muqdisho Goor-dhow naga soo gaaray ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Puntland lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Waal), waxaa lagu dilay oo uu ku dhintay Rasaas ay Gaarigiisa ku fureen Koox hubaysan xili uu marayay Wadada Makka Al Mukarama ee Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa Goobta ku dhintay, iyadoo Kooxdii dishayna ay Goobta ka baaxsadeen. Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Waal), ayaa la sheegay inuu Maalmihii lasoo dhaafay u joogay Muqdisho Arrimo Caafimaad.
Idale News Online – Muqdisho