Dhageyso:Gudoomiye ku xigeenkii degmada Buur-Hakaba ee Gobalka Baay oo is casilay+ Khilaaf Cusub

0
361

Buurhakaba(INO)-Gudoomiye kuxigeenkii degmada Buurhakaba ee gobalka Baay Axmed Sheekh Cabdi ayaa sheegay in uu iska casilay jagadii uu ka hayay degmadaas, markii uu sheegay in uu isagu sidaas garowsaday.

Buurhakaba

Axmed Sheekh ayaa sheegay in uusan waxba ka qaban karin arrimaha ka jira gudaha magaalada Buur-Hakaba, wuxuuna tilmaamay in uu qaatay go’aankaas isagoon cidna wax ku qasbin.

Iscasilaada gudoomiye kuxigeenka Buurhakaba ayaa ku soo beegantay xili maalmihii udambeeyey ay khilaafyo ka jireen arrimaha maamulka magaalada.

Odayaasha dhaqanka ee degmadaas ayaa sidaas oo kale ayana waxa ay sheegeen in aysan maamulka magaaladaas haba yaraatee waxba ka qaban xaaladaha degmada ka taagan.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Buurhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here