Dhageyso: Ex. Xildhibaan Xasan Maxamed Idiris Oo Ka Digey Sii Socoshada Bahdilaada Af-Maayga Lagu Haayo

0
345

Baydhabo(INO)-Siyaasiga Rug cadaaga ah Ex. Xildhibaan Xasan Idirs,  isla markaana inta badan u dhaq dhaqaaqa, raadinta Xaquuqda Bushadda  Koonfurta iyo koonfur Galbeed Soomaaliya tan iyo markii ay burburtey dowladii dhexe ee soomaaliya , sido kalena  ka  mid ahaa Aas Aasiyaashii Jabhadii RRA ee Raxanwey , oo dagaal  Safdheer ahi la gashey, Jabhadii USC ee Hogaaminaayay  Gen. Maxamed Faarax Ceydiid, waagai Socodey Dagaaladii Sokeeye ee Soomaaliya  ayaa ku eedey Xildhibaanadda Baarlamanka Wadanka Soomaaaliya,  in ay Bahldileen Lahjadda  Maay-ga oo Looga Hadlo Koonfurta Soomaaliya iyo Qiibo ka mid Ah waqooyi bari Dalka Kenya.

idiris

Ex. Xildhibaan Xasan Maxamed Idiris oo ku sugan Dalka Jarmalka ayaa ka digey, Sii socoshadda Bahdilaada Lahjadda Maay-ga ,Isagoona sheegey in Dastuurka Soomaaliya uu ku xusun yahay  Labadda Lahjadood ee Maay iyo Maxaa , Isla markaana waxa uu Dowladda soomaaliya ku eedeyey Dhaqan Galin la’aanta   xafiisadaha  hay’ada Kala Gedisan Ee Dowladda aan ka soo bixin weli Warqado ku qoran Maay-ga   iyo  Sioo kalena wuxu Canaan Kuluul Ujeediyey Xildhibaanadda Baarlamanka Soomaaliya  oo ka Soojeedaan Degaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Soomaaliya  Sida Caadiga ah waxa ka Jira labo Lahjadooda oo kala ah Maay iyo Maxaa ,Labadduba waa Af-Soomaali,  dastuurkuna  wuu qeexaya, laakiin dadku ku hadla Lahjadda Maxaa waxay mar weliba Liidaan Lahjadda  Maay-ga oo  ka xigmad badan  kana  Asalsan lahjadda Maxaa” Ayu yiri Xasan Maxamed Idiris.

Sidoo kale  Siyaasiga Xasan Maxamed Idiris ayaa amaanay  Bulshadda rayidka ah  ee u dhashey Lahjadda Maay-ga Isla markaana ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir in ay adeegsadaan Luuqadooda mar weliba, iyagoona ilaalinaayo Dhaqankooda iyo weliba Sharafta iyo Karaaamadda Lajhada Maay-ga Ee Sinjigoodu ah.

Waxaan aad u Amaanaya Bulshadda Maay-ga  Ganacsatada ah ee  degan Muqdisho  oo adeegsada lajhada maay-ga iyagoona Jooga Magaalada Muqdisho” ayuu yiri

Si kastabaha  ha ahaatee, Luuqda Maay-ga ayaa waxay  ka mid luuqadaha Laan ka mid ah – Chushtic-ga isla markaana waxa looga hadla  Goboladda Koonfurta Soomaaliya iyo Weliba Qiibo ka mid ah Gobolka Waqooyi bari ee Dalka Kenya, adeegsigooduna waxa uu ka kooban yahay  Hadda Guryaha.

Ugu dambeyntii, Dadka u dhashey lahjadda  Maay-ga ayaa 95% aaney qori karin ama akhrin  Karin lahadjaadaasi, taaasoo sabab u ah horumarin la’aan iyo  bulshaddaasi oo ka Guureyso  Afka Maay-ga.

Halkan Ka Dhageysoo.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here