Weerar kale oo lagu qaaday saldhiga Boosaaso iyo qasaaro xoogan La Soo Sheegey

0
286

Bosaaso(INO)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhiga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Cabdi Xakiin Yuusuf, taliyaha qeybta booliska gobolka Bari oo saxaafada kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka hortageen ciidamada amaanka ee saldhiga magaalada.

Ciidamada ayuu sheegay iney ka hortag wanaaagsan sameeyeen si aysan gudaha ugu galin saldhiga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, isaga oo sheegay inuusan qasaaro weyn oo ka dhashay weerarkaasi.

Dhanka kale taliyaha qeybta booliska gobolka Bari ayaa sheegay iney qabteen dad lala xiriirinayo iney qeyb ka ahaayeen weerarka ka dhacay saldhiga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Waa markii seddexaad oo saldhigaasi la weeraro sanadkaan oo kaliya, waxaana inta badan weeraradaasi sheegta ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Idale News Online, Bosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here