Baydhabo(INO)-Xili maalintii Arbacadii Ee la soo dhaafey la shaacey liis ay ku qoran yihiin Xildhibaanada Maamulka Jubbaland, isla markaana Beelo badan oo asal ku ah degaanadaasi laga qadiyey, ayaa waxaa Arintaas ka soo horjeestey, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka soomaaliya oo ka soojeeda Gobolada Koonfur galbeed ee soomaliya. Xildhibaan Maxamed Afaraale oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka soomaaliya isla markaana Hadda ku sugan magaalada Baydhabo ee xaruta Gobolka Bay, ayaa sheegey in Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe oo horey u soo noqdey Hogaamiyihii Labaad ee Kooxda mayalka adag ee Al-shabaab uu duudsadey, Xaquuqdii Beesha Digil iyo Mirifle oo degaan ahaan kaga tira badan Beesha Darood ee Jubooyinka. “arinta jubbaland, waxaan leeyahay, hal xaaram ah, Nirig xalaal ah Madhasho, awalba xoog iyo dulmi ayaa lagu dhisey haddana waan u jeedna waxa ay y sameeynayaan’ ayuu yiri Xildhiban Maxamed Afaraale. Maamulka jubbaland ayaa lagu eedayey in uu jabiyey heshii horey ay u galeen iyaga iyo dowladda koonfur galbeed soomaaliya,isla markaana beelo badan oo ka tirsan Digil iyo Mirifle loo diidey in ka mid noqodaan baarlamanka Jubbaland iyadoona qaar ka mid ah loo hanjabey.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.