Kismaayo, (INO) – Anaga oo ah Cuqaasha, Siyasiyiinta Beesha Tunni Shangamas, kana mid ah Beelaha dega gobalka Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe , isla markaana ka soo qaatey qayb libaax dib u xoreyntii iyo yagleelitaankii maamulka Jubbaland, waxa marag ma doonta ah in beesha Tunni Shangamas hiil iyo hooba la garab taagneyd maamulka Jubbaland gudaha iyo dibadaba.
Anaga oo ah beel ku caan ah maslaxadda iyo nabad kula noolaanshaha ummada Soomaaliyeed, isla markaana jecel midnimadda iyo wada jirka beelaha ku nool deegaanada Jubbaland, waxaan halkan ku soo gudbineynaa tabashadeyda ku aadan caddaal daradda nalagula kacay ee ku aadan soo xulistii xubnaha Baarlamaanka ee maamulka Jubbaland saamigii aanu ku lahayn deegaanada beesha Tunni Shangamas ay degan tahay sida degmada Gobalka Jubbada Hoose sida Afmadow, Araare ,Jamaame iyo Zanguuni ,Gobalka Jubbada Dhexe sida Bu’aale, Dujuma, Jilib iyo Saakow iyada oo si cad looga duudsiyey xaqii ay ku lahaayeen loona awood sheegtey.
Arrintaas oo wax ka qabashadeeda aanu in badan kala xaajooney masuuliyiinta u sareysa maamulkaas, ilaa madaxweynaha , gudiga xalinta khilaafaadka iyo cid kasta oo ay khuseyso arrintaas aan kor ku soo xusey. Masuuliyiintaas oo dhamaantood noo balanqaadey in aanu helayno saamiga aan ku leenahay xubnaha Baarlamaanka ee Jubbaland. Waxaase ayaandaro iyo lama filaan nagu noqotey in aan habba yaraate wax tixgelin ah la siin codsigaynii, si kas iyo maag ah nalooga duudsiyay ka mid noqoshada golaha Baarlamaanka ee maamulka Jubbalnd.
Haddaba waxaan rabnaa in aan beesha caalamka iyo ummada Soomaaliyeed aanu halkan uga cadeyno in aaney noo cuntameyn arinkani, isla markaana aanaanu ku qanacsaneyn natiijada ka soo baxdey xulistii xubnaha Baarlamaanka ee Jubbaland, taaasi oo ku saleysan caddaalad daro iyo xaq daro.
Beesha Tunni Shangamas waxay diyaar u tahay difaaca sharafta iyo karaamadooda , xaqayagana aanu ku raadsayno marin kasta iyo si kasta oo aanu ku heli karno.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Awees Sheikh Mummin Tunnishangamas@hotmail.com
Uqeyb samaha Beesha Tunni Shangamas ee Deegaanada Jubooyinka
Idale News Online, Baydhabo