Maxamuud Sayid Aadan Oo Ka Soo Horjeestey Baarlamanka Jubba

0
204

Gedo(INO)-Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan ayaa kasoo horjeestay baarlamaanka maamulka KMG ee Jubba ee dhawaan lagu dhawaaqay, ka dib markii lasoo xulay xildhibaanada Baarlamaankaasi.

Sayid

Waxa uu sheegay in markii horeba aan lagu heshiin maamulka Jubba, islamarkaana taasi ay keenayso in lasii huriyo oo kaliya xaaladda ka jirta gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Mas’uulkaan ayaa meesha ka saaray in shacabka Jubooyinka iyo Gedo ay u dhan yihiin baarlamaankaan, isaga oo shaqsiyaad gaar ah ku eedeeyay in ay leexsadiin masiirkii shacabka gobaladaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Beelaha Jubooyinka Iyo Gedo Shaqo Kuma Lahan Baarlamaanka Jubba, dad gaar ah ayaa wada qorshahaan, markii horeba maamulka Kismaayo jooga looma dhameen” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Dhinaca kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in la qaban doono shir ballaaran oo looga tashan doono aayahay gobalada Jubooyinka iyo Gedo, islamarkaana laga tashan doono hanaanka maamul sameynta.

Idale News Online, Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here