Sheeko:Haweeney Taajirad ah oo Dhaxalkeeda uga ogolaatey Laba Dolar oo keliya Ninkeeda, By: Wariye Abdulahi Nur Colombo

0
269

Washingtong(INO)-Gabar Maraykan ah oo aad u Hinaase ama maseyr badnayd cuqdadna ka qabtay in haddii ay dhimato uu ninkeedu inta uu dhaxlo hanti badan oo ay lahayd, kadibna uu guursan doono gabar kale oo uu xoolaheeda kula raaxaysan doono.

colombo

Gabadhan ayaa muddo xanuunsanaysay, aakhirkii markii ay dareentay in ay geeridii hayso ayaa waxey Ninkeedii u qortay warqad dardaarankii dhaxalka ah waxaana ay ku sheegtey in ninkeeda uu xoolaheeda ka qaato Laba ($2) Dollar oo lacag ah.

Ninkii oo ogaaday dardaaranka gabadha, ayaa isaga oo careysan weydiiyey, sababta ay sidaas ugu gelayso ee 2 doolar oo keliya u siisay. Laakiin halkii uu jawaab kale ka sugayey, waxa ay gabadhii si dhib yar ugu jawaabtay, “waxaan doonayaa in aad lacagtaa siisato xarig aad isku dal dasho ama isku marjisid, si aad dhaqso iiga daba timaaddo oo aanad naag kale u haweysan”

W/Q: Wariye Abdulahi Nur Colombo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here