Beled Xaawo (INO) — Dowladda Kenya ayaa billowday inay dhisto Darmi weyn oo kala xira Xuduudeeda & tan dalka Soomaaliya, kadib Mowjado Weeraro ah oo dalkaasi kuu dhuftay.
Baaldoosaro & Shaqaale badan oo kuwa Dhisamaha ah oo Ciidanka Difaaca Kenya si weyn u ilaalinayaan ayaa waxay usoo tallaabeen dhanka Soomaaliya, gaara ahaan Magaalada Beled-Xaawo halkaasi oo ay ka billaabeen Dhisamaha Darbiga.
Dadka Ku Nool Magaalooyinka Soomaaliya ee ku dhaw Xadka, gaar ahaan Beled- Xaawo ayaa soo sheegaya in Kenya ay Darbiga ka dhisayso Gudaha dalka Soomaaliya, halkii la rabay inay Xadkeeda ka dhisto, taasina waxaa lagu tilmaamay in Madaxbanaanida Soomaaliya lagu xad-gudbayo.
Darbiga oo ah Mid weyn oo Shub ah, ayaa waxuu kala xirayaa isku socodka Dadweynaha Magaalooyinka deriska ah ee Xuduuda Labada dal ku yaalla, iyadoo dhibaato weyn ku keeni doonta Bulshada Gobolka.
Gordon Kihalangwa, waa Madaxa Hay’adda Socdaalka Kenya wuxuuu sheegay in haddii ay Darbiga ka dhisaan Gudaha Soomaaliya ay ka hortagi karaan Weerarada Al shabaab, balse Gudaha Kenya ka difacai karin.
“Waxaan rabnaa inaan Darmi ballaaran oo ay ku xiran yihiin Raadaaro, Kaamirooyinka CCTV & Isgaarsiin Casri ah oo Ciidanka adeegsan doonaan, si ay iskula socdaan markii la isku dayo in Darmiga loo soo dhawaado,” ayuu yiri Gordon Kihalangwa.
Saraakiisha Maamulka Gobolka Gedo, ayaa si weyn uga soo horjeestay Tallaabadan ay Kenya ugu soo xad-gudubtay Dalka Soomaaliya, oo amar la’aanta ku dhisayso Darbiga. Dheerarka Darmiga la dhisayo waxa uu gaarayaa 700Km.
Idale News Online – Baladxaawo