Dhageyso:Ciidamada Dowladda KG Soomaaliya Oo isbaarooyin Ka Qaaday Deegaanno Ka Mid Ah Shabellaha Hoose

0
228

Mareey(INO)-Maamulka deegaanka Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in xilligaan isbedal dhanka ammaanka ah uu ka jiro deegaankaasi iyo sidoo kale deegaanada kale ee ku dhaw.

9-Isbaaro

Sayid Baalle Mayow oo ah gudoomiyaha degmadaasi Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa sheegay in ciidamada dowladda KGS ay sameeyeen howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayay amniga guud, gaar ahaan wadada isku xirta deegaanada Mareerey iyo Baladul-amiin.

“Ciidan aad u culus ayaa jooga, waxaana la sameeyaa howlgal ballaaran oo amniga wax looga qabanayo, waxaa la qaaday ciidankii dadka dhibayay, waxaa jiray kuwo hubeysan oo shacabka dhibayay, ciidamada ayaana la dagaalay kuwaasi” ayuu yiri gudoomiyaha Mareerey.

Dhinaca kale gudoomiye Sayid Baalle Mayow ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen rag hubeysan oo Isbaarooyin u dhiganayay dadka shacabka ah, islamarkaana maxkamad la saari doono.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Mareey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here