Roob lagu diirsaday oo Muqdisho & deegaanada ku teedsan ka da’aya

0
221

Muqdisho(INO) Roob Lixaad leh ayaa saaka ka bilowday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo deegaanada ku teedsan ee gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe,Roobka oo ilaa xligan ka da’aya magaalada Muqdisho ayaa saamayn ku yeeshay isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caaasimadda Soomaaliya  oo maalmihii danbe ku jiray jawi kulleel ah ayaa ku diirsaday Roobkan mahiigaanka ah ee ka da’aya magaalada Muqdisho,Roobka ayaa biyo dhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Dhanka kale Roobkan ayaa saamayn ba’an ku yeeshay kumanaan qoys oo barakacayaal ah kuwaasoo aan haysan guryo ay ka galaan dhibicda Roobka iyo qabowga,waxaana laga dayrinayaa xaalada dadkan Soomaaliyeed oo ku nool aqalo Cooshado ah oo  laga sameeyey baakado iyo baco aan celineen Roobka.

Guud ahaan jawiga magaalada Muqdisho ayaa ah mid dagan dadka ayaa ku sugan gurahooda,waxaana gabi ahaanba yaraaday isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee degmooyinka kala gadisan ee magaalad Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Roobka awgiis.

 Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here