Melbourne, (INO) – Sharmaarke Jaamac, wuxuu ahaa Wiil Soomaali asalkiisu yahay balse qaatay Dhalashada Wadanka Australia, isagoo u dagaalamaya Daacish ayaa lagu dilay dalka Syria.
Sharmaarke Jaamac oo 25 Sano jir ahaa wuxuu kasoo tagey Magaalada Melbourne, Australia Labo Sano kahor wuxuuna aaday dalka Syria si uu uga mid noqdo Kooxda Daacish, ee dalkaasi Dagaalka kawada.
Kooxda Daacish ayaa lasoo xiriiray qoyska Sharmaarke, waxayna ku wargeliyeen geeridiisa, iyagoo sheegey in uu ku geeriyooday Duqeymo Isniintii ka dhacay Suuriya, ma aysan tilmaamin Magaalada ama Goobta lagu dilay.
Warbaahinta Caalamiaga ah qaar waxay sheegeen in Sharmaarke Jaamac uu u geeriyooday Dhaawac Culus oo ka soo gaaray Dagaal uu ka qeyb qaadanayay dalka Suuriya.
Qoyska Sharmaarke Jaamac ayaa Wargeys kasoo baxay Australia u sheegay in Wiilkooda uu ahaa Nin xayeesiin u sameeyay Dharka Ragga xirto, islamarkaana aysan ka filaneynin inuu ku biiro Kooxda Daacish.
Sharmaarke Jaamac wuxuu noqday Qofkii ugu danbeeyay 20 Ruux oo u dhashay dalka Australia oo lagu dilay Dalka Suuriya iyagoo u dagaalamaya Daacish tan iyo 2012.
Idale News Online – Sydney