Janaale(INO)-Wararka aan ka heleyno duleedka Degmada Janaale ee gobolka shabeelada hoose ayaa sheegaya in gabal dhiciii manta shil Baabuur uu ka dhacay duleeda Janaale kaas oo uu ku geeriyooday Mas’uul ka tirsanaa Ayuub NGO oo ka mid ah NGO-yada maxaliga ee ka howlagala Marka.
Marxuumka geeriyooday ayaa lagu magacaaba Yuusuf Maxamed Isaaq oo waqtigii uu shilkan uu dhacayey marayey meel u dhow Janaale.
Shilka ayaa yimid ka dib markii Mooto ama dhug dhugley uu saarna marxuumka geeriyooday uu gadaal kaga yimid gaari noociisa lagu sheegay Caasi oo si xawli ah ku socday ka dibna gaariga uu hirdiyey Mootada.
Shilka oo dhcay gabal dhicii Xaley, ayaa marxuumka sida ay inoo sheegeen ehelkiisa waxa maanta ah lagu aasi doonaa magaalada Marka oo meydkiisa la geeyay.
Idale News Online, Marka