Muqdisho(INO)-Xildhibano ka tirsan Baarlamaanka oo ka socday Guddiyada Arrimaha Bulshada iyo Cadaallada ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Keysaney ee duleedka Muqdisho, iyagoo u kuur galayay howlaha uu bulshada u haayo ee dhinaca caafimaadka.
Kormeerkan ayaa ka dambeeyay kadib markii dhowaan Wasaaradda Cadaallada Soomaaliya ay ku talisay in isbitaalka Keysaney oo horay u ahaa Xabsi mar kale dib loogu celiyo xabsigiisa.
Xildhibaanada ayaa markii ay tageen Isbitaalka waxay la kulmeen mas’uuliyiinta Isbitaalka, iyagoo ka wareystay xaalada isbitaalka, howlaha uu bulshada u haayo, waxaana ay mid mid u kormeereen qeybaha uu isbitaalka ka kooban yahay.
Agaasime Kuxigeenka Isbitaalka Keysaney Axmed Maxamed ayaa sheegay in Isbitaalka uu howlo muhiim ah u haayo isbitaalka, isla markaana uu fuliyo adeeg caafimaad oo joogto loo siiyo bukaanada imaanaya.
Guddoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay siiyaan Wasaaradda Cadaaladda dhul laga dhiso Xabsi, isagoo tilmaamay in isbitaalka Keysaney adeegyo caafimaad oo muhiim ah u haayo bulshada ku nool Muqdisho ilaa Gobolada dalka, sida Shabeellaha Dhexe.
“Degmada Kaaraan waxay xuduud la wadaagtaa dhinaca Shabeellaha Dhexe, Isbitaalka keysaney waxaa uu bulshada u fidiyaa adeeg caafimaad oo muhiim ah, bukaanada meelo aad u fog ayaa laga keenaa, waxaa codsaneynaa in isbitaalka sidiisa loo daayo”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Kaaraan.
Sidoo kale Xildhibaan Axmed Caabi Aadan oo ah Guddoomiye kuxigeenka Guddiga arrimaha Bulshada iyo Xildhibaan Cali Yuusuf oo xubin ka ah Guddiga Garsoorka iyo arrimaha diinta iyo awqaafta ayaa sheegay in aysan habooneyn in Isbitaalka hadda loo bedelo xabsi, maadaama adeeg caafimaad oo aad u sareeya uu siiyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana Wasaaradda looga baahan yahay in ay xabsi ka dhisto meel kale.
Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa hogaaminayay Xildhibaanada ka socday Guddiyada arrimaha Bulshada iyo Cadaalladda, waxaana uu ku baaqay in sidiisa loo daayo isbitaalka.
Xildhibaan Dufle ayaa sheegay in isbitaalka Keysaney uu sidoo kale ardayda jaamacadaha ay wax ku bartaan, isla markaana bulshada uu kaalin muhiim ah ugu jiro, waxaana uu ku baaqay in sidiisa loo daayo isbitaalka.
“Hadaan nahay gudiga adeega bulshada iyo gudiga kale oo nagu wehliya socodaalkan oo qoraxdan na soo bixiyay waa dareenka, waxaan codsaneynaa in isbitaalka sidiisa loo daayo”ayuu yiri Prof. Dufle.
Isbitaalka Keysane ayaa wixii ka horeeyay 1992 ahaa xabsi ay maamuleysay dowladdii Milateriga aheyd, hase ahaatee waxaa loo bedelay isbitaal, markii ay badatay baahida bulshada u qabeen adeeg caafimaad, waxaana
Isbitaalka la keeni jiray dadka ku soo dhaawacma dagaalada, kuwa dhibaatooyinka kala duwan la soo gudboonaada sida xanuunada iyo cudurada kale, waxaana Isbitaalku uu ahaa mid kaalin wax ku ool ah uga jiray bulshada ku dhaqan Muqdisho iyo deegaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Idale News Online, Muqdisho