Maamulka degmada Qansax-dheere iyo Saraakiisha ciidanka oo ka shiray sidii degmadaa looga dulqaadi lahaa go’doominta Al-shabaab

0
216

Qansax-dheere(INO) Maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay iyo saraakiisha ciidamada degmadaas ayaa ka shiray sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka degmada iyo sidii go’doominta Al-shabaab kusoo rogeen degmadaas looga saari lahaa.

qansaxdheere

Gudoomiyaha maamulka degmada Qansax-dheere Aadan Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta tafaasiil ka siiyey waxyaabihii looga hadlay kulanka  ay yeesheen maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada,wuxuuna tilmaamay in kulanka diirada lagu saaray xaqiijinta amniga iyo sidii deegaanka looga xoreyn lahaa go’doominta Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa sheegay iney masuul ka yihiin amniga shacabka degmadaas,wuxuuna dhanka kale shaaca ka qaaday in degmada Qansax-dheere uu ka taagan yahay Sicir-barar ka dhashay go’doominta Al-shabaab.

Aadan Cabdi Maxamed ayaa tilmaamay iney sare u keceen badeecooyinka kala gadisan kadib markii Al-shabaab ay diideen in gaadiidka ganacsiga ay galaan degmada Qansax-dheere,Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka deegaanka oo u badan beeraley ay hoos u dhigtay in deegaanka ay ka dhalato macalluun baahsan.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here